Madaxweyne Biixi oo sameeyay Magacaabis Cusub

Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-658/052021 ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag.

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Madaxweyne Biixi ayaana Maxamed Khaliif Nuur Cali u magacaabay in uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag.

Waxaana sidaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews, waxaanay u dhignayd sidan:-

MarkaanArkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

Markaan Arkay: Muhiimadda Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolku u leeyahay  Amniga iyo Dhismaha Dawladnimadda;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Maxamed Khaliif Nuur Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.