Home Wararka Maxaa ka jira in Farmaajo iyo Uhuru ay ka Wada-hadlayaan Muranka Badda?

Maxaa ka jira in Farmaajo iyo Uhuru ay ka Wada-hadlayaan Muranka Badda?

Farmaajo iyo Uhuru
Farmaajo iyo Uhuru

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladda Soomaaliya, ayaa beenisay in uu jiro wadahadal ay dowladaha Kenya kala yeelanayso arrinta muranka badda.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Cusmaan abuukar Dubbe oo BBC la hadlay, ayaa warar been abuur ah ku tilmaamay in uu jiro qorsha ay labada dal uga wadahadlayaan muranka Badda. 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe

Waxaa uu intaa ku daray in kiiska muranka badda ay go’aan kama dambeys ah ka sugayaan maxkamada cadaaladda caalamiga ah ee ICJ.

“Waxaan rabaa in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan aan u xaqiijiyo in wax allaale iyo wax ka soo cusboonaday aanu jirin kiiskii badda oo aan ka ahayn in kiiskani badda uu ku jiro maxkamad ilaa 6 sanadood-na wuu soo socday hadana uu gabagabadiisii marayo, go’aanka ugu dambe-na ay leedahay maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ, ” ayuu yidhi wasiir Dubbe.

Waxaa uu intaa ku daray in go’aanka maxkamadda ICJ ay filayaan in uu soo baxo bilooyiinka soo socda.

“Waxaanu fileynaa go’aanku in uu soo bixi doono bisha lixaad ilaa bisha 9-aad inta u dhaxeysa waana go’aan maxkamadeed ilaahey baa og sida uu noqon doono, ” ayuu yidhi Mr Dubbe.

Wasiirka warfaafinta dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Cusmaan Abukar Dubbe, ayaa muujiyay in uu rejo badan ka qabo in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto kiisaka muranka badda.

“Niyad sami badan ayaan ku qabnaa insha allaah, ducadii dadka Soomaaliyeed-na waan ku kalsoonahay,” ayuu yidhi.

Maxaa ka jira in Farmaajo iyo Uhuru ku kulmayaan Qatar?

Farmaajo iyo Uhuru
Farmaajo iyo Uhuru

Wasiirka warfaafinta dowladda fedaraalka Cusmaan Abukar Dubbe oo la waydiinay su’aal ahayd wax ka jira wararka sheegaya in wadahadalo ay arrimaha badda ka yeelanayaan dowladda Kenya iyo Soomaaliya, ayaa sheegay in gabi ahaanba ayna arrintaasi waxba ka jirin .

“Dalka waxaa dowlad u ah dowladda fedaraalka ee Soomaaliya iyaga ayay-na dadka kalsoonideeda siiyeen waxaana u cadeynaynaa shacabka Soomaaliyeed in ayna wax allaale iyo wax ka jira ayna jirin kiiskaasina uu yahya go’aan maxkamadeed soo-na bixin doona insha allaah,” ayuu yidhi wasiir Dubbe.

Wasiirka warfaafinta dowladda fedaraalka Cusmaan Abukar Dubbe, ayaa dhanka kale beeniyay wararka sheegaya in madaxwayne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta la qorsheynayo in uu kulan ku dhex maro dalka Qatar.

“Runtii arrintaa wax ka jira ma jiraan madaxwaynayaasha way is arki karaan, wayna is arki jireen wayna is arki doonaan, laakiin ma jiro in ay hadda is arkayaan iyo in ay Qatar isku arkayaan in 21 bishan is arkayaan waxaasi oo dhan waa borobagaando ay fidinayan dad shisheeye ah oo ay doonayaan in ay xasaasiyad kaga dhex abuuraan calaaqaadkan bilowga ah ee cusub,” ayuu yidhi Dubbe.

Wasiirka warfaafinta, ayaa xusay in calaaqaadka dublamaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya ee dib loo soo celiyay ayna xidhiidh la lahayn arrinta muranka badda.

“Xidhiidhkii wuxuu marayaa bilow fiican in kalsooni la dhiso ka dib-na guddi ayaa la sameyn doonaa, guddidaasi waxay ka shaqeyn doonaan isu soo dhawaanshiyaha labada dal, arrimahaasi marna xidhiidh lama laha arrimaha badda taasaan rabaa inan bayaamiyo,” ayuu intaa ku daray.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda Qatar ayna dano gaar ah ka lahayn dhexdhexaadinta labada dhinac.

“Qatar waa wadan Muslim ah oo walaal ah oo carbeed oo intaasi oo urur aan ku wada jirno ka bacdi waxaan is leyahay wanaag umbay ka shaqeynayeen, Qatar labada wadan waa la saaxiib waxayna Qatar caan ku tahay dhexdhexaadinta iyo isu soo dhaweynta runtii ma arko wax interest ah oo an ka ahayn niyad sami,”ayuu yidhi wasiir Dubbe.

Hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya, ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayay in dowladda Soomaaliya iyo Kenya ay wadahadalo ka furi rabaan arrinta muranka badda.

Kiiska muranka badda oo imika yaalla maxkamada ICJ, ayaa waxaa la filayaa in go’aan rasmi ah laga gaadho bilooyiinka soo socda.

Kenya, ayaa dhageysigii u dambeeyay aan ka qeyb galin taasi oo keentay in Soomaaliya oo kali ah ay doodeeda soo bandhigto.

Kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo jiitamayay muddo ka badan 10 sano.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in ay dib u soo celisay xidhiidhkii kala dhaxeeyay dalka Kenya, xidhiidhkaasi oo go’naa muddo bilooyiin ah.

XIGASHO: BBC