Hub ay leeyihiin Ruushka iyo Shiinaha oo la qabtay

Hubka la qabtay
Hubka la qabtay

Dubia (Aftahannews)- Markab ay leeyihiin Ciidamada Badda Mareykanka, ayaa Axadda maanta ah sheegay in ay qabteen hub aad u fara badan oo sharci darro ah oo ay lahaayeen Ruushka iyo Shiinaha, kaasi oo saarnaa dooni aan sidan wax calan ah oo ku safraysay biyaha caalamiga ah ee Badda Waqooyiga Carabta.

Hubka la qabtay
Hubka la qabtay

Markabka Shanaad ee ciidamada badda Mareykanka, oo fadhigiisu yahay Baxrayn, ayaa sheegay in markabka USS Monterey uu qabtay doonta uuna ogaaday xamuulka saaran intii uu socdal howlgal laba cisho ah oo dhacay 6-dii iyo 7-dii bishan.

Hubkan ayaa ku jira gacanta Mareykanka, iyadoo uu baadhitaan ku socdo halka laga leeyahay iyo goobta loogu tala galay in la geeyo, ayaa lagu yidhi warbixinta ciidamada.

Qoraalka ayaan lagu xusin halka uu markabku ka yimid, laakiin waxaa lagu sheegay in kormeerayaasha joogtada ah ee ciidamada badda Mareykanka ee gobolka ay “carqaladeeyaan gaadiidka xamuulka sharci darrada ah ee inta badan maalgeliya argagixisada iyo howlaha sharci darrada ah”.

 

AFP