Midowga Musharaxiinta oo War ka soo saaray Ergeyga Midowga Afrika u soo magacaabay Soomaaliya

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya
Midowga Musharaxiinta Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Midowga Musharaxiinta Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay tallaabadii ururka Midowga Afrika uu Soomaaliya ugu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama oo noqonaya u qaabilsanaha Midowga Afrika ee dhexdhaxaadinta khilaafka doorasho ee ka jira Soomaaliya.

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya
Midowga Musharaxiinta Soomaaliya

“Waxaan uga mahadcelineynaa Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dadka Soomaaliya, gaar ahaana dadaallada dhismaha nabadeed ee ka socda guud ahaan Soomaaliya. Waxaan ku rajo weynahay in ergayga cusub uu si dhakhso leh oo dhab ah ula macaamili doono dhammaan daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaan ka rajo qabnaa inuu ka shaqeeyo kala guur habsami leh iyo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii Sebtember oo aas-aas u ah qaadashada doorashooyinka qaranka ee dastuurku jideeyay,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxday midowga musharaxiinta.

Sidoo kale, Midowga Musharaxiinta Soomaaliya, ayaa qoraalkan ku balan qaaday inuu si buuxda u la shaqeyn doono Ergeyga cusub iyo kooxdiisa, iyagoo ka  codsaday daneeyayaasha kale ee siyaasadda Soomaaliya inay la shaqeeyaan Ergaygan cusub.

Madaxweynaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa xalay madaxwaynihii hore ee dalka Ghana, John Dramani Mahama u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee dhex-dhexaadinta is-mari waaga doorashada Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.