Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Qaraxyo ka Dhacay Magaalada Kabuul

Qaraxyada Kaabuul
Qaraxyada Kaabuul

Muqdisho (Aftahannews) – Dowladda Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareysay qaraxyo ka dhacay magaalada Kabul Afgaanistaan kuwaa oo lagu dilay tiro araday ah oo xiligaa ka soo baxay Iskuul ay ka wax ka baranayeen.

Qaraxyada Kaabuul
Qaraxyada Kaabuul

Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya lagu yidhi ”Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynasaa qaraxyada argagixisada ee galaaftay ardayda aan waxba galabsan ee ka dhacay Caasimadda Kaabul ee Dalka Afgaanistaan. Waxa aannu garab taagannahay, murugadana la qaybsanaynaa shacabka iyo Dowladda Afgaanistaan ayaa lagu yidhi” Qoralka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa kuwo argagax leh ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyay kooxda Taalibaan oo inta badan iyagu sheegan jiray qaraxyada, ilaa iyo haddana lama garanayo cidda ka danbeysay weerarkan lagu laayay ardeyda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.