13 Caruur ah oo ku Geeriyooday Roobab ka Da’ay Magalaadda Muqdisho

Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews) – Roobab mahiigaan ah oo maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay magaaladda Muqdisho, ayaa saameyn ku yeeshay qoysaska dan yarta ah ee ku nool xaafado ka mid ah magaaladda Muqdisho.

Roobabkan, ayaa geystay khasaare dhimasho in ka badan toban qof, halka guryo badana ay ku dumeen.

Magaalada Muqdisho
Magaalada Muqdisho

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, 13 qof oo ay ku jiraan carruur, ayaa geeriyooday ka dib markii roobab mahiigaan ah ay ku fataheen guryahooda oo ka sameysnaa baco iyo cooshado.

Shan kamid ah dadka geeriyooday, ayaa waxay ahaayeen carruur hal qoys kasoo jeeda, oo kala ah, afar wiil iyo gabadh.

Hooyada dhashay oo wareysi lala yeeshay waxay sheegtay in carruurteeda ay badbaadin weyday kadib markii ay gurigooda ugusoo galeen biyo daad ah.

Dadka deegaanka, ayaa ku eedeeyay dowladda hoose ee Xamar inay dayacday deegaanada dadka danyarta ah oo la kulma khasaaro kala duwan markasta oo roob da’o.

Roobab mahiigaan ah ee ka da’a magaalada Muqdisho, ayaa had iyo jeer saameyn xoog leh ku leh qoysaska barakacayaasha, kuwa ku nool guryihii hore, iyo qoysaska ku nool agagaaraha marin biyoodka, halka waddooyinka qaar aan la mari karin.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.