Al-Shabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Garoonka Diyaaradaha Ceelwaaq

Al-shabaab

Ceelwaaq (Aftahannews) – Wararka ka imanaya Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in Ururka Al-Shabaab ay caawa weerar culus ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha ee degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen Garoonka, oo ay degan yihiin Ciidanka Milateriga Kenya ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Al-shabaab
Al-shabaab

Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday madaafiic ay Al-Shabaabku ku qaadeen garoonkaasi, iyadoona ay qaarkood u suurtagashay inay gudaha ugu daataan.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle), Afhayeenka Ciidanka Xoogga Soomaaliya ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay inay Al-Shabaab u muuqdeen kuwo doonaya inay la wareegaan garoonkaasi, balse aanay u suurtagelin.

“Nimankii Khawaariijta ahaa ayaa caawa weerar xoogan oo arbushaad ah ku soo qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Ceelwaaq. Bilowgiiba Ciidamada Kenya way ku argagaxeen weerarka, meel laga jirana maysan garanayn, nimankii qaarkood oo watay jaran jarooyin ayaa darbiga Garoonka ku fuulay, muddo afartan daqiiqo ah baana dagaal faraha lagaga gubtay uu ka socday xerada dhexdeeda.” Ayuu yidhi Afhayeenka oo la hadlay Telefiishanka Universal.

Korneyl Aadan Rufle ayaa yidhi “Khasaaro waa jiraa, laakiin ma sheegi karno inta uu le’eg yahay, nimankiina meesha ugama ayna tagin wax meyd iyo dhaawac toona. Laba diyaaradood oo kuwa yar yar ah ee Helicopter-ka ayaa Garoonka yimid, waxayna ka qaadeen dhaawacyadii askarta Kenyanka.”

Korneyl Aadan Rufle, ayaa Milateriga Kenya ku eedeeyay inay madaafiicda goobta ku garaaceen deegaanada la degan yahay, waana xilli ay dib u gurteen Shabaabka weerarka soo qaaday.

“Dagaalkii markuu joogsaday ayay Ciidamada Kenya bilaabeen inay ridaan madaafiicda goobta, oo ka mamnuuc ah in meelaha rayidku degan yahay loo adeegsado. Qoys degan meesha la yidhaahdo Budada oo 9km u jirta Ceelwaaq baa waxaa gurigoodii ku dhacay madfac, saddex qof oo hooyadii guriga oo xaamilo ahayd iyo laba carruur oo ay dhashay baa ku dhaawacmay. Xero uu adhi ku xareysnaana madfac kale ayaa ku dhacay.” Ayuu yidhi Aadan Rufle.

Rufle ayaa intaa ku daray “Khasaaraha rayidka soo gaadhay intaa wuu ka badan karaa, maxaa yeelay waa habeen, wayna adag tahay in la gaadho meelaha degmada ka baxsan, dib baana ka soo sheegi doonnaa wixii soo kordha.”

Waa weerarkii ugu xooganaa ee Al-Shabaab bishan Ramadan ku qaadaan mid ka mida xeryaha ay degan yihiin Ciidanka Midowga Afrika.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.