Haweeney lagu Magacaabo Xaliima Ciise oo si Mucjiso ah u Dhashay Sagaal Carruur ah oo Mataano ah

Hargeysa (Aftahannews)- Halima Cisse oo u dhalatay dalka Mali ayaa Salaadadii sagaal carruur ah ku umushay dalka Morocco, ka dib markii arrimo caafimaad loogu qaaday dalkaasi, bishii March.

Haweeneydan ayaa si degan umushay, markii lagu sameeyay qaliin saacado yar qaatay.

Dhakhaatiirta ayaa horaan sheegay in haweeneydan ay caloosha ku siddo toddobo canug, waana xilli ay martay baadhitaanka aaladda Ultrasounds, oo loogu kala sameeyay dalalka Mali iyo Morocco.

Wasiirka Caafimaadka Mali, Fanta Siby ayaa sheegtay inay dhakhaatiirtu seegeyn, oo ay arki waayeen laba ka mida sagaalkii canug ee uurka ku sidday Halima Cisse.

Halima Cisse oo 25 jir ah ayaa umushay shan gabdho iyo afar wiil, isla-markaana ay wanaagsan tahay xaaladeeda iyo tan carruurtaba.

“Dhallaanka cusub (Shan gabdho iyo afar wiil) iyo hooyaduba xaaladoodu way wanaagsan tahay.” Ayaa lagu sheegay bayaan ay soo saartay Fanta Siby, Wasiirka Caafimaadka ee dalka Mali.

Warbaahinta Morocco iyo Mali ayaa qoraysa inay Halima ka yaabisay bulshada labada dal, isla-markaana ay soo jiidatay dareenka hoggaamiye-yaasheeda, ka dib markii ay dhashay in ka badan tiradii la filayay.

Inta badan carruurta isku dhafka ee tirada sagaalka ku dhasha ayaan sii noollaan muddo dheer.

Geraldine Brodrick ayaa 13-kii bishii June ee sanadkii 1971 waxay Magaalada Sydney ee dalka Australia ku umushay sagaal canug (Shan wiil iyo afar gabdho), ha yeeshee ma sii noollaan wax ka badan hal toddobaad.

Zurina Mat Saad oo u dhalatay dalka Malaysia ayaa waxay 26-kii bishii March ee sanadkii 1999 dhashay sagaal canug, mana badbaadin wax ka badan lix saacadood.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.