Dagaal Beeleed Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Duuleedka magaalada Baledweyne

Magaaladda Beledweyne

Beledweyne (Aftahannews)- Dagaalkan ayaa u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed oo walaalo ah oo wada dega Galbeedka magaalada Baledweyne, ayaa ka dhacay deegaanka Haarcadeey oo qiyaastii Baledweyne kaga beegan ilaa 6KM dhinaca Galbeed.

Magaaladda Beledweyne
Magaaladda Beledweyne

Dagaalkan oo qarxay aroornimadii hore ee saaka ayaa la sheegay inuu ka bilowday muran la xadhiidha lahaan shiyaha  dhul beereed ku yaala deegaankaasi.

Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamaya deegaanka Haarcadeey ee Galbeedka Magaalada Baledweyne.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay dagaalka saaka ka qarxay deegaanka Haarcadeey, iyagoona ku baaqay si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay inay geynayaan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobolka goobta aay ku dagaalamayaan labada Maleeshiyo beeleed si loo joojiyo dagaalka u dhaxeeya labada Maleeshiyo ee saaka ka qarxay duleedka Galbeed ee magaalada Baledweyne.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.