Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Culimada Soomaaliya

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Culimada
Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Culimada

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha xilka sii haya ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyda Soomaaliya kulan kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliya.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Culimada
Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Culimada

Qoraal lagu daabacay Warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu ku boggaadiyay culimada doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta iyo toosinta bulshada, dib u heshiisiinta iyo deminta colaadaha, isaga oo ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.

Culimada ayaa dhankooda la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta Soomaaliya iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta Caddaaladda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta iyo kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaa xasilinta Soomaaliya iyo nabadeynta.

Kulanka ayaa imanaya xili wali lagu gudajiro xalinta xiisadii siyaasadeed ee ka dhalatay muddo korarsigii labada sano ee markii danbe Baarlamaanku ka laabtay iyadoo madaxweynuhu tallada maamulka iyo amniga doorashada uu ku wareejiyay Ra’iisal Wasaare Rooble.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.