Rooble oo Magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif
Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u magacaabay Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif
Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif

Xilka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa banaanaa tan iyo 11-kii April, markaasi oo laga qaaday Duraan Faarax, oo loo wareejiyey wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Waxaa isla maalintaas xilka loo magacaabay Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar, oo laga soo wareejiyey wasaaradda Gaadiidka, hase yeeshee maalin kadib ayuu ka cudur daartay inuu xilkaas qabto.

Oomaar ayaa qoraal uu ku daabacay facebook 12-kii April ku yidhi “Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah.”

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.