Mucaaridka iyo Dawladda Sudan-ta Koonfureed oo heshiis ku gaadhay Addis Ababa

Addis Ababa(Aftahannews):- Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo hoggaamiyaha fallaagada dagaalka kula jirta dowladdiisa Riek Machar, ayaa wada saxeexay heshiis nabadeed, ka dib colaad socotay muddo shan bilood ah.

140510030541_south_sudan_304x171__nocredit

Heshiiskaas ayaa ku baaqaya xabbad-joojin deg-deg ah iyo dhismaha dowlad ku-meel-gaadh ah, ka hor inta aan la qorin Dastuurka cusub ee dalkaasi yeelan doono, isla markaana doorashooyin cusub laga qabanayo.

Colaadda ka jirta dalkaasi ugu da’da yar caalamka, ayaa waxaa ku dhintay kummanaan qof, in kabadan hal milyanna waa ay ku guryo beeleen.

Xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka John Kerry ayaa sheegay in heshiiskaasi uu noqon karo mid horumar gaarsiiya mustaqbalka dalkaasi Koonfurta Suudaan.

Qaramada Midoobey ayaa ku eedeysay dowladda Koonfurta Suudaan iyo fallaagaduba dambiyo ka dhan ah aadanaha sida hal mar oo la laaya dad badan iyo kufsiga dumarka.

Garabyadani iska soo horjeeda ayaa jimcihii ku saxiixay heshiiskani caasimadda dalka deriska ah ee Itoobiya kaddib kulankii ugu horreeyay oo fool ka fool ah oo ay yeeshaan tan iyo billowgii colaadda.

Weriyaha BBC Emmanuel Igunza ayaa sheegaya in heshiiskani uu ku baaqaya xabbad joojin muddo 24 saac gudahood ah, taasi oo dhaqangaleysa kaddib marka la saxiixa heshiiska, waxaana marka xigta laga wada shaqayn doonaa heshiis rasmi ah.

Madaxweyne Salva Kiir iyo Riek Machar ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan amar deg deg ah oo ciidamadooda ay ku joojinayaan dagaalka isla markaana lagu oggolaanaya in gargaarka bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka tabaalaysan. Illaa iyo hadda ma cadda cidda soo dhisi doonto dowladda ku meel gaarka ah.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.