Madaxweyne Biixi oo Markii ugu horraysay ka hadlay Xadhiga Murrashaxiinta Mucaaradka

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadalay xadhiga musharixiinta, ayaa sheegay in musharax kasta oo lagu helo danbi la xidhayo mucaarad iyo muxaafad ba.

Madaxweyne Biixi

Madaxweynaha ayaa yidhi “3 dii musharax ee ugu horeeyay ee la xidhay Kulmiye ayay ahayeen, 2 kamida min 1 sano ayaa loo jaray, kuwa hada taagana muxaafad iyo mucaarad ba way leeyihiin”.

“Qofka waxa lagu soo eedaynayaa danbi, foojeri, sharciga oo uu ka been sheego, xafiis buu waraaqihiisii xaday, jaamacad aanu ahayn buu layimid, kii la qabto wa nasiibkii”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiri karaan musharixiin danbiyo galay lakin sharcigu aanu helin, waxanu sheegay in la qaban doono marka la ogaado danbiga ay sameeyeen.

Madaxweynaha ayaa si gaara isu dul taagay kiiska musharax Qasim Aadan Saleebaan oo Waddani ka sharaxan kaasi oo loo haysto in uu gacan-saar laleeyahay dowlada Soomaaliya.
“Mid waxaba lagu eedaynayaa, in uu dalal Somaliland cadow ku ah xidhiidh la leeyahay hadii la hubiyo maxkamada ayaa dag dag loo gayn, hadii la waayo halkiisii buu kasii wadan” ayuu yidhi madaxweynuhu.“Looma diidayo doorashadiisa lakiin waxa la hubinayaa shuruudihii doorashadu sax mayihiin”ayuu hadal kiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradku ay xaq uleeyihiin in ay sheegaan wixii qaldan.

Waa markii ugu horaysay ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu si toosa uga hadlo xadhiga musharixiinta, arrintaasi oo ay xisbiyada mucaaradku aad uga qaylinayeen maal mihii u danbeyey.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.