Wadahadal Taleefon oo dhexmaray Amiirka Qatar iyo Farmaajo

Farmaajo iyo Amiirka Qatar
Farmaajo iyo Amiirka Qatar

Doha (Aftahannews)- Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani ayaa sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Qatar ee QNA, waxay labada hoggaamiye ka wada hadleen xidhidhka labada waddan iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyo weliba dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya.

Farmaajo iyo Amiirka Qatar
Farmaajo iyo Amiirka Qatar

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Qadar ayaa sheegtay in ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaasi uu qoraal uu ka siday Amiirka Qatar uu soo gaadhsiiyey madaxweynaha Soomaaliya.

Farriintaasi qoraalka ah ayaa wakaaladdu sheegtay inuu madaxweynaha Soomaaliya soo gaadhsiiyey ergayga gaarka ah Mutlaq Bin Majiid Al-Qahtaani.

Farriintan ayaa la sheegay inay sidoo kale ku saabsanayd xidhiidhka labada waddan, iyo muhiimadda dib u heshiisiin qaran oo Soomaaliya ka dhacda, si looga dhabeeyo xasilloonida Soomaaliya, sida lagu sheegay farriintaasi ay baahisay wakaaladda wararka ee Qatar.

Ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Qatar ayaa maalmahan booqasho ku joogay Soomaaliya, waxaana uu shirar kala duwan la yeeshay madaxda dawladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka.

Al-Qahtani ayaa sidoo kale, kahor imaatinkiisa Muqdisho, waxa uu soo maray magaalada Hargaysa oo uu kula kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.