Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Xuska Maalinta Midawga Yurub oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay Xuska Maalinta Midawga Yurub oo ku astaysan sagaalka bisha oo shalay ku beegnayd, balse maanta Munaasibad lagu xusayo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

hhhhhhhhhh

Ka sokow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa Munaasibaddaa ka qaybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee dowladda, Wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya ku sugan iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay Xafladdaas iyo Masuuliyiin Midawga Yurub ka socday.

Ugu horreyn waxaa Munaasibaddaas ka hadlay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danire Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu kala qeyb galo xuska maalinta Yurub, isagoo tilmaamay inay sii wadayaan taageerada Soomaaliya.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay oo isna munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay tahay talaabo farxadeed in Muqdisho laga xuso maalinta Yurub.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in xuska maalinta Yurub ay ahmiyad ugu fadhido bulshada Soomaaliyeed in sanadkii labaad oo is xiga lagu qabto Muqdisho, waxaana uu intaa ku daray in Midowga Yurub uu gacan ka geystay horumarka dalka.

“Midowga Yurub ilaa iyo xoriyaddii la qaatay waxa uu kala shaqeynayay Soomaaliya dhinacyada horumarka, dowladnimada, soo kabashada dhaqaalaha iyo arrimo kale, waxaana ilaa hadda uu wadaa arrintaasi, wada shaqeynta Midowga Yurub ee Soomaaliya way sii xoogeysaneysaa iyo tan beesha caalamka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay in uu kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Nickolas Kay oo matalayay bulshada caalamka oo ay uga wada hadleen arrinta hiigsiga cusub (New Deal) in bulshada Soomaaliyeed ay u fahamto faa’iida uu leeyahay, waxaana uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in kulankaasi uu yahay mid labo bile ah oo looga arrinsado New Deal iyo waxyaabaha ka hirgalay.

Waa markii labaad ee magaalada Muqdisho lagu qabto xuska maalinta Yurub “Europe day, taasi oo muujineysa in amniga magaalada uu yahay mid la isku haleyn karo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.