Somalia: Ciidamada Taabacsan Musharraxiinta oo Sharuudo Aadag ku Xidhay in ay Xeryahooda dib ugu laabtaan

Muqdisho (Aftahannews) – Ciidamada taabacsan mucaaradka ee ka soo horjeestay mudo kordhinta ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen in ayna ka bixi doonin goobihii ay fadhiisinka ka sameysteen kadib qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood, oo uu ku jiro taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir, Saadaq Joon iyo saraakiil kale oo ay kamid yihiin Indho-cadde iyo taliyihii hore ee ciidamada gaarka ah ee uu tababaray Mareykanka Danab Ismaaciil Cabdimalik.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadaan waxay uga digeen dowladda inay hakiso mushaaraadkooda waxayna wacad ku mareen inay kusii nagaan doonaan boosaskooda ilaa iyo inta uu raiisal wasaaraha ka qaadayo talaabooyin muuqda oo kalsoonidii dib u soo celin kara.

Waxay dalbadeen in shaqo joojin lagu sameeyo saraakiisha militariga iyo booliska ee lala xadhiidhinayo madaxweynaha xilka ka degaya si kalsooni looga dhex abuuro labada garab ee ciidamada isku haya.

Midowga Yurub iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada is khilaafsan inay xaaladda dajiyaan islamarkaana la kala qaado ciidamada is ku horfadhiya gudaha magaalada Muqdisho.
Gaashaanle Diini Rooble Axmed oo afhayeen u ah guddiga saraakiisha ah oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in ay dalbanayaan in madaxweyne Farmaajo uu wareejiyo amniga guud ee dalka, iyagoo sheegay in madaxweynuhu  ciidanka ka dhex abuuray qalalaase.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.