Wefdiga Qatar oo la filayo in ay la Kulmaan qaar ka mid ah Madaxda Maamul Gobolleedyada Soomaaliya

Wefdiga Qatar ka socda
Wefdiga Qatar ka socda

Muqdisho (Aftahannews)- Waxaa lagu waddaa in Wefdiga ka socda dowladda Qatar ee ku sugan magaalada Muqdisho kulan la yeeshaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada Soomaaliya.

Wefdiga oo tan iyo shalay kulamo ka wadday magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay maanta la kulmaan madaxweynayaasha maamul gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Wefdiga Qatar ka socda
Wefdiga Qatar ka socda

Wefdiga ayaa xalay la kulmay qaar ka mid ah madaxda midowga Musharixiinta Soomaaliya oo ay ka wadahadleen xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Hore wefdigan waxaa ay isku arkeen ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Dhanka kale, waxaa uu ergeyga kulan la qaaday gudoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheek cabdirahmaan oo xafiiskiisa ku qaabilay.

Ergayga gaarka ah ee wasaaradda arimaha dibadda dalka Qatar u qaabilsan arimaha xalinta khilaafaadka iyo la dagaalanka argagixisada Mutlaq Majed Al-Qahtani ayaa waxaa uu hore u booqday Somaliland.

Waxaa uu halkaasi kula kulmay madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.