Hargeysa (Aftahannews) – Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Waddani Maxamuud Cabdi Jamac (Xuuto), ayaa sheegay in madama oo musharax Waddani ah loo xidhay in uu Muqdisho tagay ay iyaguna dacwad taa lamida ka gud binayaan musharixiin Kulmiye ah iyo Wasiirka Warfaafinta Somaliland.
Xoghaye Xuuto ayaa sheegay in xisbigoodu uu soo dhawaynayo in talaabo laga qaado cid kasta oo danbi gasha lakin anay aqbalaynin in musharixiinta Kulmiye na iyaga oo Soomaaliya xilal kasoo qabtay ay joogaan kuwoodana la xidh xidho.
Xoghayaha ayaa ku gorgortamay in musharixiin xisbiga Kulmiye ka tirsan oo uu ku andacooday in qaarkood ay dowlada Soomaaliya xilal kasoo qabteen ay dacwad ka gudbin doonaan.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.