Dalalka Yurub oo Khafiifinaya Qaybo ka mid ah Xayiraada Covid-19

Dalalka Yurub
Dalalka Yurub

Hargeysa (Aftahannews) –  Qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa bilaabay in ay qaadaan ama khafiifiyaan qaybo ka mid ah xayiraada saaran  xanuunka Covid 19 waxaana shalay laga qaaday dalka Portugal xanibaadihii saarnaa.

Khafiifintan xayiraada ayaa laga bilaabi doonaa maqaayadaha wax laga cuno iyo goobaha cabitaanada oo furnaan doona ilaa 10:30 fiidnimo, iyada oo miiskiiba ay fadhiisan karaan lix qof meherada gudahooda, halka bannaankana ay fadhiisan karaan ilaa 10 ruux.

Dalalka Yurub
Dalalka Yurub

Inta badan goobaha Ganacsiga ayaa furnaan doona ilaa Sagaalka fiidnimo maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha halka daba-yaaqada Todobaadkana ay furnaan doonaan ilaa todobada fiidnimo.

Xannuunka Covid 19 ayaa marka laga soo tago dadka uu soo ritay waxaa uu saameyn adag ku yeeshay dhaqdhaqaaqa dadka iyo goobaha ganacsiga oo xayiraad joogta ah lagu soo rogay.

Laakiin go’aankan ay qaateen qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa ugu yaraan soo celin kara rajada dhaqdhaqaaqa dadka  iyo goobaha ganacsiga.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.