Madaxweynaha Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Itoobiya u qaabbilsan Soomaaliya Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Warqada Aqoonsiga ka gudoomay Danjiraha Itoobiya
Madaxweynaha Soomaaliya oo Warqada Aqoonsiga ka gudoomay Danjiraha Itoobiya

Danjiraha Itoobiya Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga warbixiyay Safiirka guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska ciidammada, adkeynta dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa sheegay dowladda Ethiopia in ay ka go’an tahay adkeynta xidhiidhka labada dal ee ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam, waxa uuna muujiyay ahmiyadda ay leedahay dhowrista madax bannaanida dal walba.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.