Hal Qof Oo Ku Geeriyooday Balli-biyood Ku Yaalla Duleedka Galbeed Ee Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews) – Hal Qof oo Rag ayaa ku Geeriyooday Balli biyood ku yaalla duleedka Galbeed ee Magaalada Hargeysa, kaasi oo ay biyo ka buuxeen, maaddaama oo Shalay iy Maalmihii ka horreeyay ay Roobab waaweyn ka da’ayeen Hargeysa.

Wiilkan oo aan da’diisa la sheegin, ayaa waxa Meydkiisa soo saaray Ciidammada Dab-damiska oo aan shaqadoodu ku koobnayn Bakhtiinka dabka, balse gacan weyn ka geystay wax oo Shacabka dhibaato ku ah.

War qoraal ah oo Ciidammada Dab-damisku Xalay baahiyeen oo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa u qornaa sidan “Alle ha u Naxariistee hal Wiil ayaa ku dhintay Balli Ku yaalla magaalada Hargeysa duleedka Galbeed ee caasimadda Hargeysa gaar ahaan agagaarka dugsiga Amaano.

Hal Qof oo Joogay Goobtaas ayaa Ciidanka Dab-demiska Caasimadda Hargeysa ku Soo wargeliyay, balse Qofkaas ayaa Ciidanka Dab-demiska u soo sheegay wakhti dambe waxaanu u soo dalbaday in Meydka laga soo saaro Balliga, kadibna Ciidanku wuxuu baadigoob u galay soo saarista Meydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku Dhagtay ku Raadjoogeen Inay helaan isla-markaana ku dhib muteen soo saaristiisa.
Gabagadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Caasimadda Hargeysa Balliga ka soo saareen meydka marxuumkaas, iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska.

Ciidanka Dabdemiska ayaan ka Hawlgelin kaliya Hawlgallada Dabka, balse waxaa Ciidanku Ka Hawlgalaa Gurmad kasta oo Badbaado, taasoo Ciidanka Dabdemisku wax ka Qaban Karo, waxaana Muddooyinkii u dambeeyay markasta Dabdemisku ka hawlgalay Dad iyo xoolo siyaabo kala Duwan ugu dhacay Godad, Suuliyo, Bullaacado, dad daadad laga samatabixiyay iyo kaalmo shidaal.

Ugu Dambayn Ciidanka Dabdemisku wuxuu Farriin u dirayaa Shacbiweynaha taas oo ah In ay ka digtoonaadaan Xilli Roobaadyada Dooxyada, Balliyada, Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kasta oo Khatar ku ah Nafta iyo Maalka Muwaadiniinta. Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, Qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.”

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office