Argagax Ka Dhashay Laba Iimaam oo Walaalkood ku Dilay Maraykanka

Laba Iimaam oo Soomaali ah oo Walaalkood ku dilay Maraykanka 2021
Laba Iimaam oo Soomaali ah oo Walaalkood ku dilay Maraykanka 2021

Kansas (aftahannews)- Magaalada Kansas City, ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka waxaa lagu dilay laba wiil oo ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed da’doodana lagu sheegay 14 iyo 16 jiro, sida ay sheegeen booliska iyo qaraabada marxuumiinta.

Laba Iimaam oo Soomaali ah oo Walaalkood ku dilay Maraykanka 2021
Laba Iimaam oo Soomaali ah oo Walaalkood ku dilay Maraykanka 2021

Dhalinyaradaan oo ah walaalo ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxmaan Xuseen Cabdicasiis iyo Cabdiwaaxid Xuseen,waxaana dilka u gaystay walaalkood ka weyn xili ay ka soo baxeen salaadda Taraawiixda oo iyagu tujinayeen, sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Cabdullaahi Cabdi oo ay ehel dhow ahaayen.

Hanad Cabdullaahi Cabdicasiis oo ah ninka dilka gaystay ayaa wiilasha uu dilay xagga hooyada walaallo kala ahaa waxaana wararku sheegayaan in banaanka gurigii ay ku noolaayeen uu ku dilay labada marxuum xili ay masaajidka ka soo baxeen.

“Waxay wax u dhaceen in labada wiil ee geeriyootay iyo wiil kal eoo la socday ay ka soo baxeen Taraawiixda ragga masaajidka ku tukadda oo ka mid ah akhyaarta ayaa soo qaaday guriga illinkiisuu dhigay gurigii markay is dhaheen saddexdoodii gala ninka dili doona ka soo baxay meeshuu ku sugayay labada dhalinyarada ah” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Cabdi.

Qoraal ay so saareen booliska Kansas ayay ku sheegeen in abaara 11.30 daqiiqo habeennimadii Jimcaha la soo wacay ka dib markii uu dhacay falkan toogashada ah. Booliska ayaa markii ay goobta gaareen waxa ay ku arkeen labadan wiil oo meyd ah.

Hanad Cabdullaahi Cabdicasiis oo 25 jir ah laguna tuhunsanaa dilka ayay boolisku isku dayeen in ay la hadlaan markii uu falka gaystay kadib haseyeshee wuxuu ula soo baxay qori kadibna xabado ayuu ku furay taas oo keentay in boolisku ay toogtaan oo ay dhaawacaan .

Intaas kadib Hanad ayaa loola cararay Cusbitaalka si loogu dabiibo balse markii dambe dhaawicii ayuu u geeriyooday.

Hanad 00 ahaa 24 jir ayaa 2 wiil oo la dhalatay toogasho ku dilay

Hanad oo ahaa 24 jir ayaa 2 wiil oo la dhalatay toogasho ku dilay

“Labadan wiil oo xuffaad ah oo walaalaha ah waxay xalay ka tujiyeen taraawiixda masjidka Al-Taqwa ee magaalada Kansas City, Missouri. Waa 14 jir iyo 16 jir. Kadib, gurigooda hortiisa ayaa waxaa ku toogtay walaalkood ka wayn oo dhawr iyo 20 jir ah. Wiilashan hooyadood & aabahood ba siyaabo aad u naxdin badan ayaa lagu kala dilay wax 10 sano ka yar. Waa imtixaan adduun. Subxaanallaah”, waxaa sidaasi bartiisa Facebook-ga ku soo qoray Maxamed Diini oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida Mareykanka.

Maxamed Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan oggeyn waxa sababay in Hanad walaalihii dilo inkasta oo falkaan uu yahay qadar Alle.

“Wuxuu ka mid ahaa dadka dhahaya dadbaan dilayaa dadbaan waxyeelleynayaa marka wax aan hubo oo aan u saarinayo ma jiraan balse waxaan is leeyahay cunugaan dhibaato maskaxiyan ah oo uu la tacaallayay mudaba ayaa ka tustay iyo waxyaabaha maandooriyaha ee la isticmaalo inuu dhaafiyo nafta caruurta walaalihiisa”ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Cabdi oo BBC-da u waramayay.

Maxamed ayaa intaa ku daray in walaidiintii dhalinyaradaan geeriyootay ay iyaguna horey u geeriyoodeen.

Dhacdadaan oo dadka ku dhaqan Magaalada Kansas City ee dalka Mareykanka ay aad uga naxeen ayaa sidoo kale aad loogu faafiyay baraha bulshada. Muuqaallada baraha bulshada lagu baahiyay ee wiilasha geeriyooday waxaa ka mid ah iyaga oo Salaaddii Taraawiixda xalay tujinayay dadka,waxaana la sheegayaa in ay ahaayen dhalinyaro qur’aanka xifdisay. 

Xigasho BBCSomali.com.