Ururrada SOLJA iyo Al-Bashiir oo Furay Kulanka Ramadaanta ee Culimada & Suxufiyiinta Somaliland

Kulanka Ramadaanta ee Culimada iyo Suxufiyiinta Somaliland 2021
Kulanka Ramadaanta ee Culimada iyo Suxufiyiinta Somaliland 2021

Hargeysa (aftahannews)-  Kulanka sannadlaha oo la qabto bisha barakaysan ee Ramadaan ah ee culimada iyo saxaafadda ayaa ka furmay magaakada Hargeysa, kaas oo ciwaan looga dhigay (Saameynta baraha bulshada).

Kulanka Ramadaanta ee Culimada iyo Suxufiyiinta Somaliland 2021
Kulanka Ramadaanta ee Culimada iyo Suxufiyiinta Somaliland 2021

Kulankaas oo socon doona laba maal-mood ayaa waxa lagu lafo-guray ama lagaga hadlay Saamaynta baraha bulshada, kulankaasna waxa iska kaaashaday ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo markiska Al-bashiir, waxaana Kulankaasi  ka soo qayb galay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technologyadda, masuuliyiin ka tirsan ururka SOLJA, Culimo aw diin iyo saxafiyiin matalayay qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka.

Waxaana hadalo ka jeediyay gudoomiyaha ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed waxaanuu saxafiyiinta kulankaas ka soo qayb-galay u soo jeediyay in ay ka faa’iidaystaan mudada laba maal-mood ah ee uu kulankaasi socdo arrimaha lagu gorfayn doono.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo kulanaas hadal ka jeediyay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay sida diinta islaamku ay uga hadashay warka iyo xubinta xaqiiqanimadiisa, waxaanuu guud ahaan warbaahinta u soo jeediyay in ay ka dheeraadaan tabinta wararka beenta ah, kuwaas oo halis gelin kara wada noolaashaha bulshada.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tegnoolajiyada Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil ayaa sheegay in baraha bulshadu dunida ay ku socdaan xawli, waxaanuu saxaafaddda u soo jeediyay in ay u adeegsadaan dhanka wanaagsan, bulshadana ay u soo bandhigaan warar xaqiiqada ku salaysan.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cadinaasir Cumar Jaamac ayaa saxaafadda u soo jeediyay in ay ka digtoonaadaan waxyaabaha ay ku qorayaan baraha bulshada, waxaanuu wasiirku soo dhaweeyay kulankaas, waxanuu u mahadceliyay cidkasta oo qabsoomida kulankaas kaalin ku lahaa.

Ugu dambeyna qaar ka mida xunihii saxaafadda ka tirsanaa ee kulankaas ayaa Sheekh Maxamed Sheekh maxamed Cumar halkaas ku waydiiyay su’aalo uu diini ah oo kala duwan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.