Xukuumadda Siilaanyo oo Xabsiga dhigtay Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf ee ay hore u xayirtay

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo bishii hore Xayirtay, xaruntiisana Ciidanku la wareegeen, ayaa maanta Xabsiga loo taxaabay, ka dib markii ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) u jartay 7 cisho oo Rumaan ah markii ay Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyskii Haatuf ay saaka hor-tageen Maxkamadda oo dacwaddooda u dhaxaysa iyaga iyo Masuuliyiin dawladda Somaliland ka tirsani ka bilaabantay.

haatuf1-300x202

Dacwadda ka dhanka ah Warbaahinta Haatuf oo abbaaro sagaalkii Subaxnimo ee saaka ka billaabantay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa), ayaa Garsoorihii gacanta ku hayey dacwadda waxa uu dacwadoohoodii dhegeystay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo Wiil uu Madaxweyne Siilaanyo Soddog u yahay, kuwaasoo dacwad ka dhan ah ku furay Wargeyska Haatuf oo hore ay ugu eedeeyen in Warar been abuur ah uu ka tabiyey.

Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifatiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cige ayaa iyaguna eedahaasi loo soo jeediyey iska Difaacay.

Dacwadan oo Socotay Muddo ka Baddan 5 Sacadood oo xidhiidh ah ayaa Markii La dhegeystay dooda Wasiirada ee ay dhammaatay Dacwadii maantu ayaa Waxa Rumaan Loodiray Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifatiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cige.

Xarunta Wargeyska Haatuf ee magaalada Hargeysa ayay hore Ciidammo ula wareegeen iyada oo ay Maxkamadda gobolka Hargeysa hore u amartay inay xayirtay Wargeyskaas oo aanu soo bixi karin, haddii la soo saarana cidda soo saarta iyo Madbacadda daabacdaaba ay mutaysan doonaan ciqaab adag. Iyada oo sidoo kale Maxkamaddu Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ee TELESOM iyo SOMTEL ku amartay inay internet-kooda ka jaraan in laga booqan karo Shabakadda Haatuf.net ee wararka Wargeyskaas lagu baahin jiray, kuwaasoo iyaguna ka saaray Website-ka Haatuf hawada adeeggooda internet-ka.

Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa ku sifawday inay tahay Xukuumaddii ugu darnayd dhinaca Madax-bannaanida Warbaahinta xorta ah ee Somaliland soo marta 23-ka sano ee ay goonida uga taagnayd Somaliland dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Waxaanay Xukuumadda Siilaanyo caadaysatay xadhigga, garaacista, hanjabaadda, caga-juglaynta, ku tacaddiga Saxaafadda madaxa-bannaan iyo xayiraadda Xarumaha Warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka ka hawlgala.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.