“Maxkamadeheenna haddaanad lacag haysan dibedda ayaa laguu tuurayaa..” Sheekh Aadan Siiro

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Aadam Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadam-Siiro) oo ka mid ah Culimada waawayn ee Somaliland, ayaa khudbaddii Salaadda Jimcaha ee maanta uu ka jeediyey Masaajidka Xawaadle ee magaalada Hargeysa waxa uu kaga hadlay musuqmaasuqa, wax is waydarinta iyo sidookale Xukunka la isku haysto.

Waxaanu sheegay inay Caddaalad-darro badani ka jirto Maxkamadaha dalka Somaliland oo keliya cidda ay u adeegaan yihiin dadka Lacagta haysta kuwa magaca leh iyo kuwa magaca lihi kuwa ay garab taagan yihiin, halka uu Sheekhu sheegay in kuwa jilicsan ee aan lacagta haysan dibedda looga saaro Maxkamadaha halkii la gargaari lahaa.

Halkan Hoose ka  Daaawo Khudbadda Sheekh Aadan Siiro Salaaddii Jimce ka jeediyey oo uu dhinacyo badan kaga hadlayo oo muuqaal ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.