Ex. Madaxweyne Siilaanyo oo Biyo ugu Deeqay Dadka Abaaruhu Saamayeen ee Gobolka Togdheer

Hargeysa (Aftahannews) – Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Booyado biyo ah ugu deeqay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaamo ka tirsan gobolka Togdheer.

Deegaamadda la gaadhsiiyay booyadahan biyaha ah ee uu soo bixiyay Siilaanyo, waxaa ka taagan xaalad biyo la’aaneed iyo abaar, meelahaasi oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Waxa goobtaas deeqda biyaha ah lagu gudoomay hadal ka jeediyay Faarax Yuusuf Nuur oo  deeqdaas biyaha ah wakiil ka ahaa, isagoona sheegay in deeqdaas biyaha ahi ay tahay 22 booyadood oo biyo, kuwaas oo uu madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ugu talay in la gaadhsiiyo dadka abaaruhu abaaruhu soo wajeheen ee ku nool gobolka Togdheer.

Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd iyo maayarka degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) ayaa sheegay in biyahaas ay u direen degaano ka tirsan gobolka Togdheer, kuwaas oo ay ka jirto baahi biyood, waxaanay u mahad-celiyeen madaxweynihii hore ee Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.