Wasaaradda Beeraha Somaliland oo Siidhadh u Qaybisay qaar kamida Beeraleyda dalka

Hargeysa (Aftahannews)  – Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa maanta beeralayda gobollada Sanaag, Buuhoodle iyo Maroodi Jeex u kala diray siidh waddani ah oo ka kooban; haduudh, digir iyo galley.

Ugu horreyn waxa munaasibaddii lagu kala diraay siidhkaasi ka hadashay madaxa mashruuca Somaliland Siidh Shabcaan Mawliid Diiriye oo ka warbixisay mashruucan iyo muhiimadda uu u yeelan doono bulshada Somaliland ee beeralayda ah, waxaana ay sheegtay in mashruucan uu soo bilaabmay sannadkii 2016-kii uu soo saaray 36 tan oo isugu jira dallagyada Digirta, Hadhuudhka iyo Gallayda, iyadoo sheegtay in dallagyadaasi ay ku kaydiyeen xarunta cilmi baadhista wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland ee Abu Riin. Madaxa cilmi baadhista mashruuca Somaliland Siidh Shabcaan Mawliid Diiriye waxay intaas ku dartay in maanta wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland ay siidhkaasi u qaybinayso beeralayda Somaliland, iyadoo wasaaraddu ay la hadhay kayd ay mustaqbalka isticmaali doonto.

Geesta kale, agaasinka waaxda cilmi baadhista ee wasaaradda hormarinta beeraha Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay kala dirayaan saddex gaadhi oo sida shinni waddaniya oo dalka gudihiisa lagasoo saaray taas oo ku habboon cimillada dalka isla markaana lagaga maarmayo shinnidii inooga iman jirtay dalalka dibadda, isagoo ugu baaqay beeralayda inay xil iska saaraan isla markaana ay ka faa’ideystaan dallagyadaasi waddaniga ah.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Muumin Seed ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee wasaaradda horumarinta beeruhu ay beeralayda u qaybiso abuur waddani ah, taas oo u jeeddada laga leeyahay ay tahay in la badiyo abuurka waddaniga ah si aanu u dabar go’in, beeralayduna ay gacanta ku hayaan. Wasiirku waxa uu intaas ku daray in xilligani yahay xilligii ugu habboonaa ee dadka beeralayda ah loo qaybin lahaa abuurkaasi, waxaana uu ugu baaqay dadka beeralayda ah inay siidhkaasi ay si habboon u beeraan isla markaasina ay kala hadhaan shinni ay isticmaalaan waqtiyada dambe.

Ugu dambyntii, wasiirku waxa uu uga digay dadka in maalmaha soo socda sida ay saadaashu sheegtay ay di’I doonaan roobaab mahiigaanno ahi isla markaana dadka iskaga gooshaaya ama u kala socda gobollada dalka ay aad iskaga ilaaliyaan dooxyada waaweyn xilliyada ay roobabkaasi da’ayaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.