Saaxiibbada Somaliland oo Xukuumadda uga digay in Cabbudhinta Saxaafaddu Caqabad ku keeni karto u Doodista Qaddiyadda

Hargeysa(Aftahannews) Kooxda lagu magacaabo Somaliland Focus UK oo ah saaxiibo iskood isu abaabulay sannadkii 2005 oo u dooda qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  uga digay in dhibaatooyinka lagu hayo saxaafadda madaxa-banaan iyo xeerka cusub ee ay xukuumadu dabada ka riixaysaa caqabad ku noqon karaan dedaalkooda ay dunida ugaga doodaan Somaliland. Kooxdan oo ay ku jiraan dad badan oo ajaanib ahi, waxa ay doorashooyinkii kala duwanaa ee Somaliland ka dhacay wadanka keeneen goob joogayaal madaxbanaan oo warbixino shilis ka diyaariyay doorashooyinkaas iyo sidii ay u qabsoomeen, kuwaas oo soo jiitay indhaha bulshada caalamka.

5739

Guddoomiye xigeenka kooxdan Mr. Dr Steve Kibble  ayaa qoraal uu Isniintii u soo diray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, wuxuu ku muujiyay walaaca ay ka qabaan cabudhinta saxaafadda iyo weliba xeerka cusub. Dhambaalkan oo sidoo kale lagu sheegay in nuqul ka mid ah loo diray wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir, waxa lagu baahiyay barta ay kooxdani ku leedahay Internetka.

Waxa ay Somaliland Focus ku sheegtya qoraalkooda inay tan iyo sannadkii 2005 ay meelo badan gaadhsiiyeen horumrka Somaliland iyo doorashooyinkii xorta iyo xalaasha ahaa ee ka qabsoomay, kuwaas oo soo abaabuleen goob joogayaashii caalamiga ahaa ee ka qayb galay, balse wararka ka soo yeedhaya saxaafadda madaxabanaani ay caqabad ku noqon karaan hawlahooda. “Hadda, waxaanu u gudbaynaa inaanu muujino walaaca aanu ka qabno xaraaska iyo cabsi gelinta xubnaha saxaafadda.” ayay ku yidhaahdeen qoralkooda, iyagoo raaciyay inay ka war hayaan dhawr dhacdo oo si weyn ugu faafay dibadda iyo gudaha, “Waxa ugu muhiimsanaa weerarkii lagu qaaday Wargeyska Hubaal, kaas oo bishii April la weeraray xafiiskooda Hargeysa, iyagoo la dhaawacay xubnaha shaqaalaha. Bishii June waxa la xayiray daabacistiisa, ka dib markii uu maqaalo kulul ka baahiyay xukuumadda Somaliland, iyadoo la xidhay tifaftiraha guud iyo agaasimaha maamulka.” Waxaanay intaas ku dareen inkastoo xubnaha la xidhay ee Hubaal la soo daayay, jariiradiina dib loo fasaxay haddana in arrintaasi ay muujisay dhibaatada jirta.

Waxay kooxdani dhambaalkooda ku cadaysay in sannadkii 2012 la xidhay saxafiyiin tiro badan iyadoo albaabada loo laabay telefishanka HCTV, halka sannadkii 2011 la xidhay tifaftirha Jamhuriya, hadimo loo gaystya tifaftirha Wargeyska Yool ayay isna xuseen Somaliland Focus Group. Waxa ay sidoo kale hoosta ka xariiqeen xadhigii loo gaystay tifaftiraha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ay xuseen inuu weliba haysto bilad sharafeedka saxaafadda Afrika, iyo sidoo kale xadhig lagula kacay wariye ka tirsn Haatuf. “Waxaanu ka walaacsanahay sida ay warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland werisay qorshe wax lagaga bedelayo xeerka saaafadda kaas oo dhaawac u sii gaysan doona xorriydda saxaafadda.

Waxaa wax laga xumaado ah in ficillada ka dhanka ah saxaafadu ay noqdeen cammbaar ku taalla maamulladdii hore iyo kuwa hadda ee Somaliland, waxa aanay raad taban ku yeelanaysaa awooddii aanu u yeelan lahayn in aanu si firfircoon ugu doodno Somaliland.

Waxa aanu adiga iyo dadka kale ee mindida daabkeeda hayaba ku boorinaynaa in aad dawo u raadisaan  sadqaynta ku socota tiirkan muhiimka u ah dimuqraadiyadda, haddii kale waxa ay qiimo tiri doontaa dhamaystirka geeddiga ay Somaliland ugu hayaamayso nidaamka dimuqraaddiga ah ee xisbiyada badan oo ah wacadkii aad isa saarteen” ayaa ay qoraalkooda ku yidhaahdeen guddiga Somaliland Focus UK.

Ururkan ayaa waxa sidoo kale ku jira dad badan oo aqoonyahano reer Somaliland ah, waxaanu ururkan ay isku bahaysteen dadka Somaliland ee la ixtiraamo iyo ajaanibka qaddiyadda u doodaa uu walaaciisani muujin karaa sida ay isu soo tarayso dhibaatada kala haysata xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo saxaafadda.

Xigasho:  Wargeusla Geeska Africa.