Hargeysa: Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya iyo Xubno UCID ka tirsan oo kulmay

Hargeysa(Aftahannews):- Madax-dhaqameedka 45 Oday ka kooban oo ka socda Koonfurta Soomaaliya oo ku sugan magaalada Hargeysa iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Somaliland, ayaa maanta kulan qado ah oo Xisbigu Odayaasha u sameeyey waxay isku weydaarsadeen Su’aalo iyo Jawaabo la xidhiidha ujeeddada socdaalkooda.

ODAYAASHA DHAQANKA SOOMAALIYA EE HARGEYSA SOO GAADHAY

XUBNAHA UCID

Halkan ka dhegayso war kooban oo laga diyaariyey kulankaas, su’aalaha Xubnaha UCID iyo Jawaabaha laba xubnood oo Weftiga Soomaaliya ee Odayaasha ka tirsan.

Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar iyo Suldaan Yuusuf Maxamed Xiiray oo ka mid ah Salaaddiinta reer Somaliland oo sheegay inay Khamiistii kulan Casuumad ah u sameeyeen Madaxda Dhaqanka ee Soomaaliya ka yimi, ayaa sheegay inay waraysteen Odayaashaas, isla markaana weydiiyeen cidda Somaliland ku soo casuuntay iyo ujeeddada socdaalka ay Hargeysa ku yimaaddeen.

“Madax-dhaqameedka Somaliland, waxay la kulmeen Weftiga ka socda dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira Malaaqyo, Wabarro, Ugaasyo, Salaaddiin, Boqorro, Immaamyo, Cuqaal iyo Guddoomiyayaal, waxaannu weydiinnay haddaannu nahay Salaaddiinta Somaliland waxay u socdeen.” sidaa ayuu yidhi Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ah Afhayeenka Salaaddiinta Somaliland.

Suldaan Xiiray waxa uu intaa ku sii ladhay oo yidhi; “Waxaanay yidhaahdeen; ‘waxaannu u soconnay inaannu idho-indhayno nabadgalyadiinna iyo waxaad qabsateen iyo Qarannimadiina, iyo inaannu wax idinka baranno. Waxaannu weydiinay yaa idin soo casuumay, waxaanay noo sheegeen inay iyagu doonayaan inay nabadgalyada Waddankan arkaan, waxayna naga codsadeen inaannu wax kala qabanno dhibaatada haysata, waannuna u ducaynay.”

Suldaan Xiirey waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi; “Kulankaa waxaannu kaga qayb-galnay 48 Suldaan, Rag Guddi ah ayaannu u saarnay inay la hadlaan, waxaannu si caddaan ah ugu sheegnay in Qarannimada Somaliland tahay biyo kama dhibcaan aan laga noqonayn, waxaannu ka codsannay inay xuska 18-ka May nagala qayb-galaan, waanay naga aqbaleen.”

Sidoo kale, Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar, ayaa isaguna sheegay inay u sheegeen Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee Hargeysa ku sugan inay qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland tahay lama taabtaan iyo go’aan shacab.

“Waxaannu u sheegnay qaddiyadda Somaliland halka ay taagan tahay hadday og yihiin iyo haddaanay ogeynba. Waxaannu u sheegnay in codka aannu ku hadlaynaa yahay codkii shacabka, Xisbiyada iyo Xukuumadda maaddaama oo aannu nahay Madax-dhaqmeedkii Somaliland ee Shacabka Wakiilka ka ahaa.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.