Dhismaha Jidka Ceerigaabo oo Maanta laga bilaabay Tuulada Ina Af-madoobe

Ina-Af-madoobe (Aftahannews):- Dhismaha waddada Ceerigaabo, ayaa saaka si rasmi ah uga bilowday barta ay jidka Ceerigaabo kaga baydho waddada isku xidha Burco iyo Laas-caanood gaar ahaan Ina-af-madoobe oo ahayd halkii uu Madaxweynaha  Somaliland Dhagaxa-dhigay Taariikhdu markay ahayd 16-09-2012, Balse maanta oo ay taariikhdu tahay 09/05/2014 waxa si raasmi ah loo bilaabay waddadaas.

Bilowga waddadan ayaa bar-bilow u ahayd 4 qaybood oo ay wadada ceerigaabo dhismeheedu ka dhaqaaqi-doono isla maanta kuwaas oo kala ah Ceerigaabo oo laga soo bilaabi doono 10KM, Ceel-afweyn oo 5KM laga soo bilaabay, 5km oo laga soo bilaabay Gar-adag iyo 10Km oo bilowgeedu uu noqday mid ay isugu yimaadeen masuuliyiin tiro badan oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ahna Gudoomiyaha Gudida Waddada Ceerigaabo, oo uu wehelinaayo Maareeyaha Wadooyinka Somaliland Prof. Xasan Cali Cismaan.

Maanta oo jimce ah waxa ay shacbiga reer Somaliland gaar ahaan bulshada Gobollada Saraar, Sanaag iyo  guud ahaanba Gobolada Dalka u ahayd maalin ay u rumawday riyadii ay ku riyoon jireen ee ahayd in ay mar uun idhaha ka qaadaan Wadada Ceerigaabo oo dhisme rasmi ahi oo laami ah ka socdo, una dhan yihiin masuuliyiinta Xukuumada iyo Engineer-ada gacanta ku haya dhismaha wadadaasi.

Waxay ahayd jawi qurux badan oo ay ku dheehan tahay farxad iyo shaqo qiimo iyo sharaf ugu fadhida shacbi weynaha Reer Somaliland, rumaysayna Balanqaadkii madaxweyne Silaanyo.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka bilawga Waddada Ceerigaabo iyo Hadallada ay Masuuliyiinta kala duwan ee ka qaybgalay halkaas ka jeediyeen.

Waxa wasiirka iyo Maareeyaha ku wehelinaayey Safarkaasi shaqo Wasiirka dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Cali Siciid Ragal, WASIIRKU XIGEENKA Ganacsiga Mudane Bashiir Cabdi Xariir, Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaa (Ramaax), Xildhibaanno, Masuuliyiin kala duwan, Heer Degmo iyo Heer Tuulo.

Waxa sidoo kale goob joog ka ahaa dhismaha wadadaasi Gudida dhismaha Wadada Ceerigaabo xubno ka mida iyo weliba Gudoomiyaha Qurba-joogta ee wadada Ceerigaabo ee Dalka Uk Oday Faarax Xasan Jagac.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.