Hoggaamiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Sarkaal Milletariga Ka Tirsan Oo Maxkamadi Xukuntay

Hargeysa (Aftahannews) – Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay Xadhigga iyo Xaaladda Caafimaad ee Jaamac Maxamuud Aadan (Doolaal) oo ahaa Sarkaal ka tirsan Milletariga Somaliland, kaasi oo Maanta Maxkamadda Ciidammada Qalabka sidaa ku ridday Xukun laba sanadood ah, iyadoo lagu eedeeyay inuu xidhiidh la sameeyay dad ku sugan Soomaaliya.

Hoggaamiyaha WADDANI oo khudbad ka jeediyey Munaasibad Hargeysa lagu qabtay, ayaa sheegay in si ujeeddaysan Xukuumaddu u bartilmaameedsanayso qaar ka mid ah Musharraxiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee u taagan doorashoyinka Wakiillada iyo deegaannada ee Somaliland, kuwaasi oo qaarkood la xidh-xidhay, kuwo kalena si aan sharci ahayn loogu daba-jiro.

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office