Somaliland: Golaha Wakiillada oo Ansixiyey Waxka beddelka Xeerka Ururrada Siyaasadda iyo Xisbiyada

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo Codaynaya
Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo Codaynaya

Hargeysa(aftahannews):- Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey wax-ka- beddel iyo Kaabis lagu sameeyey Xeerka Ururrada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka oo maalmihii u dambeeyey ay ka doodayeen Mudaneyaasha Golahaasi.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo Codaynaya
Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo Codaynaya

Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominayey guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, waxa ay Mudaneyaasha Golaha Wakiillada qodob-qodob u ansixiyeen Wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka furista Ururrada Siyaasadda oo ogolanaya in la furo ururrada Siyaasadda marka uu wakhtigoodu dhammaado Xisbiyada imika jira sannadka 2022-ka.

Fadhiga saaka oo ay goob-joog ka ahaayeen 44 mudane oo ka tirsan 80-ka xildhibaan ee golaha wakiilladu ka kooban yahay waxa ansixinta xeerka oggolaaday 40 mudane, halka 3 kalena diideen, guddoomiyuhuna ma codeynin.

Xeerkan, waxa oo uu ogolaanayaa un la sameeyo doorasho toos ah oo lagu dooranayo Ururro siyaasaddeed oo lagu dooranayo Barnaamijyadooda siyaasaddeed, iyada oo saddex urur ee ugu sarreeya noqon doonaan saddexda Xisbi Qaran ee Dalka.

Fadhigan, waxa dibedda ka joogay oo aan Hoolka soo gelin qaar ka mid ah Mudaneyaasha Xisbiga Waddani ee Golahaasi ku jira, kuwaas oo barxadda hore ee Hoolka codayntu ka socotay fadhiyey.

Mudaneyaasha mucaaradka, ayaa u muuqday kuwo ka biyo diidsan ansixinta Xeerka furista Ururrada siyaasadda oo qaarkood sheegeen in Xildhibaannada Kulmiye dano gaar ah ka leeyihiin.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.