Hoggaamiyeyaasha Mucaaridka iyo Dawladda Sudanta Koonfureed oo Addis ku kulmaya

Addis Ababa(Aftahannews):- Madaxweynaha Sudan-ta Koonfureed Salva Kiir Mayardit iyo Hoggaamiyaha Mucaaridka dawladda dalkaas dagaalka hubaysan kula jira Riek Machar, gaadhay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, halkaasoo wadahadal uga bilaabmayo.

South Sudan

Labada hoggaamiye ayaa shir isugu imaanayo marki u horreysay tan iyo marki dagaallada dalka South Sudan ay billaabmeen bishi December ee sanadkii la soo dhaafay.

Maraykanka ayaa sheegay in uusan raja ka qabin in uu xal ka dhalan karo wadahadalladan. Dagaalladan ayay kumanaan qof ku dinteen iyadoo ugu yaraan hal million ruux ay ku barakaceen. Qaramada Midoobay ayaa labada dinac ku eedeeysay in ay gaysteen dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Waxaa la filayaa in wadahadalladan ay u horseedaan in dagaalka la joojiyo, labada dhinacna ay awoodda qeybsadaan.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaiya/Office.