Shirkii Madaxda Soomaaliya ee Doorashada oo Fashil Weyni ku yimid

Shirka Watashiga Doorashooyinka Soomaaliya
Shirka Watashiga Doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Dowladda federalka Soomaaliya ayaa ku eedeeysay Puntland iyo Jubbaland in ayna rabin in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho asaaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii February.

War-saxaafadeed ka soo baxay xukuumada federalka oo lagu daabacay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne goboleed ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland ayna rabin in dalkan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii February. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn,” ayaa lagu yidhi qoraalka xukuumada Soomaaliya.

Shirka Watashiga Doorashooyinka Soomaaliya
Shirka Watashiga Doorashooyinka Soomaaliya

Xukuumada Soomaaliya waxay sheegtay shirkii socday illaa 3-dii April in Madaxda Puntland iyo Jubaland ay keeneen shuruudo cusub oo ay kamid ahayd in Baarlamaanku shaqada joojiyo oo la naafeeyo, Madaxweynuhu awooddiisa dastuuriga ah wareejiyo, Xukuumaddu noqoto magac-u-yaal, ajanebigu door ku yeeshaan talada Dalka iyo in shaqada laga fadhiisiyo Taliyayaasha Ciidammada Qalabka Sida.

Hadalkan ka soo yeedhay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya kadib markii la sheegay inuu maanta fashilmay shirkii ka socday xerada Afisyoone oo lagu heshiin waayay ajendayaashii horyaalay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.