Dowladda Fedaraalka oo Saxeexday Heshiis Tallaal kale lagu keenayo Soomaaliya

Dowladda Fedaraalka oo Saxeexday Heshiis Tallaal kale lagu keenayo Soomaaliya
Dowladda Fedaraalka oo Saxeexday Heshiis Tallaal kale lagu keenayo Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Shiinaha ayaa heshiis tallaalka lagaga hortagayo cudurka COVID-19 la saxeexday shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.

Tallaalkan lagaga hortagayo xanuunka COVID-19 ayaa la sheegay inuu gaadhayo 200 kun oo talaal ah kaa soo dhawaan la keeni doono dalka Soomaaliya.

Danjire Cawaale Cali kulane ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay heshiiska uu la saxeexday dowladda Shiinaha ee ku aadan keenista Tallaalka ka hortaga COVID-19.

Dowladda Fedaraalka oo Saxeexday Heshiis Tallaal kale lagu keenayo Soomaaliya
Dowladda Fedaraalka oo Saxeexday Heshiis Tallaal kale lagu keenayo Soomaaliya

Danjire Cawaale ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha sida hagar la’aanta ah ee uu sheegay iney u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya, waxuuna si gaar ah uga mahadceliyay talaalka aay Shiinaha ugu deeqday dalka Soomaaliya.

Heshiiskan cusub ee dhanka tallaalka aay kala saxeexdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa imanaya iyado hore gudaha Soomaaliya aay dhawaan u soo gadheen talaalka lagaga hortagayo cudurka safmarka ah ee CIVID-19.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.