Somalia: Qiimaha lagu iibiyo Hubka Noocyadiisa kala duwan oo sare u kac ku yimid

Qiimaha lagu iibiyo Hubka ee Soomaaliya oo sare u kac ku yimid
Qiimaha lagu iibiyo Hubka ee Soomaaliya oo sare u kac ku yimid

Muqdisho (Aftahannews)- Qiimaha la iibiyo Hubka noocyadiisa kala duwan ee Soomaaliya ayaa sare u kac ku yimid shantii bilood ee u dambeysay iyadoo arrintan dhowr arrimood loo sababeeyay, sida khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo xaaladii ka jirtay Gobolka Gedo, halkaa soo dowladda Soomaaliya hub u daabuleysay.

Xog uruurin lagu sameeyay hubka lakala iibsado iyo suuqyada loo yaqaano cirtoogte ayaa la sheegay in labadii bilood ee la soo dhaafay hubka aad loo kala iibsanayay, iyadoo qiimihii hore lagu iibinayay labo jibaar ku dhow uu qaaliyoobay.

Hubka noocyadiisa kala duwan ee la iibsanayay ayaa isugu jiray qoriga Dhashiikaha, Qoriga PKM, RPG ama Sabanka iyo Qoriga AK47.

Qiimaha lagu iibiyo Hubka ee Soomaaliya oo sare u kac ku yimid
Qiimaha lagu iibiyo Hubka ee Soomaaliya oo sare u kac ku yimid

Dhinacyada ugu badan ee suuqyada cirtoogtaha hubka ka iibsanayay hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah Musharaxiinta oo aad isu hubeynayay, waxaana arrintan ay ka dambeysay 19 February markii magaalada Muqdisho ka dhaceen shaqaaqo iyo isku dhacyo u dhaxeeyay Musharaxiinta iyo dowladda Soomaaliya oo Hotel ay degenaayeen Madaxweynayaashii hore la weeraray.

Sidoo kalena bannaan bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Musharaxiinta la rasaaseeyay, inkastoo dowladdu cudur daar ka bixisay shaqaaqadaas

Hubka kaliya ma noqon qaali waxa kaloo sare u kacay rasaasta la iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo rasaasta qoriga RPG ama Sabanka loo yaqaano uu gaadhay halkii xabo $260.

Haddaba waxaa halkan akhriso qiimaha hubka noocyadiisa kala duwan

1- Qooriga Dhashiikaha 21 kun oo dollar halka markii hore ahaa 15 kun oo dollar

2- Qooriga PKM 16 kun oo dollar halka markii hore uu ahaa 12 kun oo dollar

3- Qoriga RPG ama sabanka 3kun oo dollar halka markii hore uu ahaa kun iyo shan boqol oo dollar

4- AK47 $1,800 halka markii hore uu ahaa $1,100

5- bastoolada $2,200 markii hore uu ahaa $1,500

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.