Xukuumadda Somaliland iyo Ganacsatada oo iska kaashanaya soo iibinta Tallaalka Covid-19

Hargeysa (Aftahannews) – Kulan dhexmaray Xukuumada Somaliland iyo ganacsatada, ayaa lagu qorsheeyay, sidi loo soo ibin laha tallaalka caabuqa Covid-19 lagaga tallalo 300 oo kun oo qof.

Wasiirka wasaarada Maaliyada ee Somaliland Sacad Cali Shire oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay tallaalkan ku bixi doonto xadi lacageed oo dhan 3 milyan oo dollar.

“Lacagta ku baxaysa 3 milyan bay noqotay, madaxweynuhu wuxu yidhi 1 milyan inaga ayaa qadanayna 2 da milyan ee kalena muwaadiniinta” ayuu yidhi wasiir Sacad.

“Madaxweynuhu wuxu yidhi wixi layna siiyo mooyane, horta bal inagu aan isku tashano oo 300 oo kun oo tallaal aan iibsano” ayuu wasiirku hadalkiisa sii raaciyay.

Xubno kamida ganacsatada, oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan wixi dhankooda looga baahdo.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo madasha soo gunaanaday, ayaa u mahadceliyay xubnaha ganacsatada.
“Aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinaya ganacsatada sharafta leh, sidii aynu awalba qarankan hareeraha uga joognayna diyaar baan unahay” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in faafista caabuqa Covid-19 ee Somaliland ay aad u sarayso, wuxuna sheegay in 15% ilaa 20% uu caabuqu gaadhay bishii Maarso.

Somaliland waxa hore usoo gaadhay 60 kun oo xabo oo tallaal ka Covid-19 ah, kaasi oo la siiyay macalimiinta, shaqaalaha dowlada iyo shaqaalaha caafimaadka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.