Beesha Caalamka oo War ka soo saartay Shirka Afisiyooni ee Madaxda Soomaaliya

Dalalka Beesha caalamka
Dalalka Beesha caalamka

Muqdisho (Aftahannews) – Beesha Caalamku waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi’da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya.

Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku booriyey madaxda Soomaalida in wada hadalakan “ay hormuudka ka tahay Soomaalida islamarkaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 September.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in heshiiska noocan oo kale ah, uu noqon doono hadiyad bisha Ramadaan u gaar ah dadka Soomaaliya.

Dalalka Beesha caalamka
Dalalka Beesha caalamka

“Waxaan ku boorineynaa madaxda DFS iyo DXDF inay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo,waqtigeeda, iyo si nabad ah ku qabsoomi karta iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan si loogu oggolaado Soomaaliya inay hore u socoto,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Qoraalka beesha caalamka ayaa imanaya iyada shirkii lagu waday inay maanta mar kale yeeshaan hoggaamiyayaasha dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada, mar kale dib loo dhigay.

Shirarkan oo lagu tilmaamay kuwo hordhac u ah ayaa qorshahoodu yahay in lagaga hadlo ajandayaasha shirka rasmiga ah ee ku saabsan doorashada Soomaaliya.

War-saxaafadeedka beesha caalamka ayaa waxaa soo saaraay: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.