Ra’iisal Wasaaraha Isra’el oo la Maxkamadeeyey

Benjamin Natanyahu
Benjamin Natanyahu

Tell Aviv (Aftahannews)- Maxkamadda Isra’el ee dhageysanaysa dacwadda musuqmaasuqa ee ra’iisal wasaare Benjamin Natanyahu ayaa loo sheegay inuu awood u sheegtay marin habaabinta saxaafadda.

Ilan Yeshua oo ah markhaatiga ugu horreeyey oo maxkamadda dhageysaneysa dacwadda Netanyahu maanta hortagay wuxuu sheegay inuu ku qasabay shabakadda wararka ee Walla uu isaga mas’uulka ka ahaa inuu ku qoro warbixinno lagu weerarayo dhinacyada ay siyaasadda isaga soo horjeedaan.

Benjamin Natanyahu
Benjamin Natanyahu

Dacwad oogayaasha waxay sheegeen nin shabakadda wararka ee Walla ka shaqeynayey warbixin uu sida uu rabay ugu qoray uu ku abaalmariyey go’aan malaayiin doolar u dhigma.

Balse eedda laba ninba loo soo jeediyey waa ay diideen.

Natanyahu xilliga maxkamadda la soo taagayey xisbigiisa Likud waxay la kulmeen madaxweynaha Isra’el waxayna kula taliyeen in ra’iisal wasaaraha amar lagu siiyo inuu soo dhiso dowlad cusub, oo isbahaysi ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.