Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo fariin u diray Hay’addaha Amniga dowladda Soomaaliya

SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliyaa ayaa si adag uga hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay makhaayad shaaha lagu cabo oo ku taala degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shacbka Soomaaliya la wadaagay murugada iyo tacsida dhalinyaradii xalay ku geeriyootay qaraxa si gaara ahaana ugu tacsiyadeeyay qoysaskii ay ka geeriyoodeen dhalinyaradii lagu dilay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay lala beegsaday.

SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA

“Waxaan Ummada Soomaaliya la wadaagayaa murugada iyo tacsida dhalinyaradii xalay ku geeriyootay qaraxa lagu dilay, anigoo marka hore tacsi u diraya dhamaan qoysaska dhalinyaradaas mustaqbalka u aheyd dalka ee naftii haligihii qariban oo shabaab ka tirsan uu ku qarxiyay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho”ayuu yidhji Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa dhanka kale ugu baaqay Hay’addaha amniga Soomaaliya inay ka hortagaan weerarada qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay iska diidaan in lagu mashquuliyo arrimaha is diidan ee siyaasada.

Qaraxii xalay dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 6 ruux oo dhalinyaro u badna iyo dhaawaca 4 qof oo kale.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.