Somaliland: Golaha Wakiillada oo Ansixiyey Masuulyiin Madaxweynuhu Dhowaan Magacaabay

Hargeysa (Aftahannews) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhi ay maanta yeesheen waxa ay ku ansxiyeen Masuuliyiin uu dhowaan Madaxweynaha Somaliland soo magacaabay.

Fadhigan oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxaa fadhigaasi ka soo xaadiray 43 Xildhibaan.

Xildhibaannada golahaasi ayaana waxay meel mariyeen mas’uuliyiinta kala ah, wasiirka wasaaradda caddaaladda, Saleebaan Warsame Guuleed, waxaana ogolaaday 42 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay ma jirin, guddoomiyuhna muu codeyn.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta Jidadka Maxamed Maxamuud Cabdi, waxa isna ogolaaday 42 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay ma jirin, guddoomiyuhna ma codeyn.

Sidoo kale, isla fadhigaas waxa lagu ansixiyay laba xubnood oo ka tirsan guddida hay’adda shaqaalaha dawladda kuwaas oo kala ahaa, Faysal Sahal Jaamac iyo Cumar Cabdilaahi Ciise, oo ay ogolaadeen 42 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay may jirin, guddoomiyuhna muu codeyn.

 Golaha Wakiillada ayaana waxay cod aqlabiyad ah sidaasi ugu meel mariyeen dhammaan mas’uuliyiintaasi la horkeenay, kuwaas oo xeerku siinayo in ay waajibaadkooda sharci ka gutaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.