Madaxweyne Gaas oo Garoowe kaga warramay guulaha Socdaalkiisii Yemen iyo Itoobiya

Garoowe(Aftahannews):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntalnd Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wefti uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ugu maqnaa waddamada Itoobiya iyo Yemen, ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkaas, ka dib markii uu safarkaa shaqo soo dhammaystay, waxaana si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

GAAS IYO GAROOWE

IMG_2392 IMG_2381 IMG_2429 IMG_2483 IMG_2494 IMG_2505 IMG_2493 IMG_2492 IMG_2507 IMG_2543 IMG_2572 IMG_2640

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Cabdi-xakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey , Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, iyo saraakiisha sare ee ciidamada.

Dadweyne aad u fara badan ayaa iyaguna ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Garowe, waxayna si weyn uga qayb qaateen soo dhoweynta Madaxweyne Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa markii uu tagay xafiiskiisa madaxtooyada Garowe waxa uu warbaahinta uga war-bixiyay shirkii arrimaha amaanka looga hadlayay ee ka dhacay dalka Itoobiya iyo sidoo kale safarkiisii uu ku tagay dalka Yaman.

“Shirkii TANA Form ee looga hadlaayay arrimaha amaanka dalalka Africa ee ka dhacay Magaalada BAHAR-DAR ee dalka Ethiopia, waxa uu ahaa shir muhiimad weyn ugu fadhiya Puntland, waxaana kasoo baxay waxyaalo muhiimu ah xasilinta amaanka dalak ku yalla gobolk iyo dhamaan Africa” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Gaas waxa uu sidoo kale warbaahinta uga waramay kulamdii uu lasoo qaatay madaxda sare ee Dawladda Yaman

“Madaxda sare ee Dawladda Yaman si wanaagsan ayay noo soo dhoweeyeen, waxaanu ka wada hadalnay in xiriirka labada dhinac la adkeeyo, isla markaana lala dagaalamo arga-gixisada iyo burcad badeeda oo iyaga laftooda dhibato ku haya, si wanaagsan ayaanuna isula qaadanay arrintaas” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Aftahannews.com

Boosaaso/Puntland/Somalia.