Wararkii ugu dambeeyay Shirka Wadatashiga Doorashooyinka Soomaaliya

Shirka Wadatashiga Doorashooyinka Soomaaliya
Shirka Wadatashiga Doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Sida lagu daabacay Warbaahinta dowladda madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah furay shirka wada tashiga DF, madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir ee lagaga arrisanayo doorashada heer Qaran ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Beesha caalamka ayaa dhankeeda soo dhaweysay qabsoomida shirkan oo lagu waddo in lagu dhameeyo dhamaanba isfahwaaga ka dhaxjira madaxda DF iyo Dowlad Gobolleedyada ka hor shrweynaha Qaran ee wadatashiga Doorashada.

Shirka Wadatashiga Doorashooyinka Soomaaliya
Shirka Wadatashiga Doorashooyinka Soomaaliya

Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo si toos ah isku soo horfadhiistaan madaxda DF iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo dhowrkii toddobaad ee ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Jaamac Dabaraani oo ah Afhayeenka Dowlad Gobolleedka Puntland ayaa sheegayin Saciid Cabdullaahi Deni uu ka qeyb galayo kulanka isla markaana kuma xusin inuu shirka furay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhaamaday walow uu dowladda ku sheegay inuu wakhtiga ka dhamaaday.

Beesha caalamka ayaa cadaadis weyn ku saareysa dhamaanba dhinacyada Soomaalida in ay heshiis buuxa ka gaadhaan doorashada oo siweyn uga dib dhacday waqtigii qorshuhu ahaa in ay dhacdo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.