Madaxweynaha Maraykanka oo Cunaqabatayn Dhaqaale Mar kale ku Soo Rogay Soomaaliya

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden

Washington(aftahannews):- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa saxeexay Wareegto dhigaysa in muddo sannad ah dowladda Maraykanku ku kordhisey cunaqabateynta Dhaqaale ee ay hore u saartay dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden

Cunaqabateynta ayaa soo soctay tan iyo laga soo bilaabo tan iyo markii uu dalkaasi madaxweynaha ka noqday Barack Obama, waxaana lagu waramayaa in madaxweyne Biden uu saxiixay warqadda kordhinta Cunaqabateynta Dhaqaalaha Soomaaliya ee loo cuksaday arrimaha dhanka amniga.

“Iyada oo la tixgalinayo xaalada nabad-galyo ee dalka Soomaaliya iyo Siyaasadda waxa ay ku socdaan meel khatar ah, Siyaasadda qaran ee Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu qiimeyay xaaladda aan caadi ahayn.”  Sidaa ayaa lagu yidhi Wareegtada uu Madaxweynaha Maraynku saxeexay Khamiistii.

Madaxweynaha Maraykanka, ayaa qoraalkan ku sheegay in uu xeerinayo  amarka Tirsigiisu yahay 13556 taas oo ka dhigan in uu sii soconayo 12-ka Bilood soo socota oo waxaa qiimeyn lagu sameynayaa sanad kadib sida ay sheegtay Warbaahinta Mareykanka oo si qoto dheer u gashay nuxurka cunaqatabeyntaas.

Dowladda Soomaaliya wax jawaab ah kama aysan bixin wali warkan ka soo yeeray madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joe Biden  ee muddada sanadkan ah ku kordhiyay cunaqabateynta dhaqaale ee Soomaaliya saaran.

Wareegtadan uu cusboonaysiiyey Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayey hore u saxeexeen labadii Madaxweyne ee isaga ka horreeyey ee Brack Obama iyo Donald Trump, iyaga oo mar walba sabab uga dhiga inay Soomaaliya ka jiraan khataro saamaynaya Amniga Qaranka Maraykanka iyo siddooda arrimaha dibedda sida ay ku doodaan.

aftahaninc.com

Aftahannews.com.