Madaxweynaha Ruushka oo booqday Gobolka Creamia ee ay Ukraine ku muransan yihiin

Creamia(Aftahannews):- Madaxwaynaha Ruush-ka Vladamir Putin ayaa khudbad qiiro leh u jeediyay dad isugu soo ururay Crimea. Waa socdaalkiisu ugu horreeyay ee uu ku tago gacanka ilaa iyo markii ay ku darsadeen bishii March.

Madaxwayne Putin oo booqday gobolka Crimea

Waxaa daawanayay kummanaan dad ah oo isugu soo baxay magaalada xeebta bada madaw ku taala ee Sevastopol.Putin waxaa uu u khudbadeeyay dadkii u soo baxay asaga oo saaran markab dagaal.Waxaa uu ugu hambalyeyay guushii ay ka gaareen Nazi-gii German-ka ee daggaal kii labaad ee aduunka. Iyadoo ay wali sii socoto xaalada ka dhextaagan Ruushka iyo wadamada reer galbeed-ka ah ee ku aadan Ukraine.

Putin ma uusan soo hadal qaadin dhibaatada Ukraine. Wasaradda arimaha dibadda ee Ukraine ayaa cambaaraysay booqashada Putin uu ku tagay Crimea. Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in Ruush-ku ay si ula kac ah u sii hurinayaan qalalaasaha.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.