Sarkaal u dhashay Talyaaniga oo la Qabtay isagoo Sir ka iibinaya Ruushka

Sarkaal u dhashay Talyaaniga oo la Qabtay isagoo Sir ka iibinaya Ruushka
Sarkaal u dhashay Talyaaniga oo la Qabtay isagoo Sir ka iibinaya Ruushka

Rome (Aftahannews)- Talyaaniga ayaa dalkiisa ka eryay labo diblomaasi oo Ruushka u dhashay, kadib markii sarkaal ka tirsan ciidamada badda ee Talyaaniga la qabtay isaga oo dukumiintiyo sir ah ka iibinaya nin la sheegay inuu basaas u ahaa Ruushka.

Wasiirka arimaha dibada ee dalka Talyaaniga, Luigi Di Maio, ayaa sheegay in uu ku wargeliyay safiirka Ruushka in raggan si deg deg ah waddanka lagaga saaro, sababo la xidhiidha waxa uu ugu yeedhay, in ay arintan tahay xaalad aad halis u ah.

Sarkaal u dhashay Talyaaniga oo la Qabtay isagoo Sir ka iibinaya Ruushka
Sarkaal u dhashay Talyaaniga oo la Qabtay isagoo Sir ka iibinaya Ruushka

Booliiska Talyaaniga, ayaa sheegay sarkaalka ka tirsan ciidamada badda iyo ninka u dhashay Ruushka in habeennimadii Tallaadada lagu qabtay magaalada Rome ee dalkaas.

Ninka u dhashay dalka Ruushka, ayaa lahaa xasaanad diblomaasiyadeed, sidaasna lagu sii daayay. Booliiska ayaa sheegay in hay’adda sirdoonka gudaha ee Talyaanigu ay muddo dheer ugaadhsaneysay rag basaasnimo looga shakiyay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.