Booliska Malaysia oo qabtay Soomaali ay ku sheegen inuu Al-shabaab ka tirsan yahay

Kuala Lumpur(Aftahannews):- Booliska dalka Malaysiya, ayaa shaaciyey inay gacanta ku dhigeen Nin Soomaali ah oo ay ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay kooxda xidhiidhka la leh Shabakadda Al-Qaacida ee Al-Shabaab oo fadhiisimmo ku leh dalka Soomaaliya.

Duleedka magaalada caasumada uu ah dalka Malaysia ee Kuala Lumpur waxaa lugu qabtay 34-jir la sheegay inuu ka tirsan yahay Al-shabaabka ka dagaallama Soomaaliya.

Ninka Soomaaliga ah ee Al-shabaab ka tirsan oo gacant alugu dhigay

Ninka Soomaaliga ah ayaa la sheegey inuu qeyb ka yahay tiri ka mid ah kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-shabaab oo ku sugan dalka Malaysia.

Boolisku xilligaan waxaa ay baadi goobayan ilaa 5-ruux oo lugu tuhun-sanyahay inay yihiin Al-shabaab,waxaana la sheegay dadkan inay Malaysia ku galeen ardey-nimo iyo dalxiisayaal.

Ninka xilligaan gacanta lugu dhigay ee Al-shabaab la sheegay inuu ka tirsan yahay boolisku waxaa ay tilmaamen inay muddooyinkanba ku daba joogen booliska adduunka ee Interpol.

“Waxaan idiin sheegeynaa ma baxsan doonaan kuwa ku dhuumanaya dalka ee Al-qaacida ka tirsani, si dhaqso ah ayaannu ku soo xidheynaa, haddana waxaan gacanta ku dhignay mid ka mid ah Raggi aan raadinaynay.” sidaa waxa yidhi Taliye Ku-xigeenka Booliska Datuk Seri Maxamed Bin Bakri oo saxaafadda la hadlay.

Sidoo kale,waxaa ay wararku shaki galinayan inay baxsadeen tiri ka mid ah ragga ka tirsan Al-shabaab ee ku soo dhuntay Malaysia,walow ay xilligaan socdan baari-taan la xiriira xubnahiisi.

Dalka Malaysia,waxaa uu ka mid yahay dalalka ay sida xoriyada leh ugu nool-yihiin Soomaalida boqollaal ardey iyo ganacsato ubadan,inkasto xilligaan ay walaac ka muujiyeen Al-shabaabka la sheegay Soomaalida inay yihiin ee dalkaas ku dhuumanaya.

Kooxda Al-Shabaab ee ay Booliska Malaysia sheegeen inuu ka tirsanaa ninka ay qabteen ayaan illaa hadda ka hadal warkaas, sidoo kale dawladda Soomaaliya oo iyaduna dagaal ba’an kula jirta xag-jirka Al-Shabaab iyaduna weli kamay hadal.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.