Maxay ka Wadahadleen Wakiillada Beesha Caalamka iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya?

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiiladda Beesha caalamka
Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiiladda Beesha caalamka

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan wakiillada beesha caalamka iyagoo ka wadahadlay arrimo la xidhiidha dardar galinta iyo dhameys tirka doorashooyinka Soomaaliya.

Wadahadalladan dhexmaray qaar ka mid ah wakiillada beesha caalamka iyo raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay bogga facebook ee xafiiska raysal wasarae Rooble.

Arrimaha laga hadlay ee dardar galinta doorashooyinka ayaa lagu sheegay in loo wajahay qaab waafaqsan heshiiskii 17-kii September ee sanadkii la soo dhaafay kaas oo ay xiligaa wada gaadheen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada.

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiiladda Beesha caalamka
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiiladda Beesha caalamka

Waxaa sidoo kale kulankaan la iskula soo qaaday soo jeedintii guddigii farsamada ee magaalada Baydhabo ku kulmay bishii February isla markaana soo saaray qodobbo gogal xaadh u ahaa kulan dhexmari lahaa madaxda dowladda dhexe kuwa maamul goballeedyada oo dhan iyo gobalka Banaadir .

Balse waxaa xusid mudan in uu dhacay kulan u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo madaxda maamul goballeedyada Hirshabeelle,Galmudug,Koofur Galbeed iyo gobalka Banaadir, kaas oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubaland.

Khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaan ilaa iyo hadda xal laga gaadhin waxaana maalmahaan socday kulamo xubnaha beesha caalamku ay la yeelanayeen mas’uuliyiinta maamul goballeedyada oo Muqdisho ku sugan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.