Xisbiga ANC oo guul ka gaadhay doorashada Madaxtinnimada ee Koonfur Afrika

South Afrika(Aftahannews):- Xisbiga haya talada Koonfur Afrika ee African National Congress (ANC) ayaa guul muhiim ah ka gaaray doorashada guud ee dalka, sida ay tilmaamayso natiijada hordhaca ah.

Dad ka qayb qaadanaya codeynta

Natiijada la hayo ilaa iyo haatan waa boqolkiiba 94, waxaana xisbiga ANC uu helay boqolkiiba 62.5, halka xisbiga ku soo xiga ee Democratic Alliance (DA) uu helay boqolkiiba 22.

Shaqo la’aanta iyo musuq maasuqa ayaa ah dhibaato weyn oo ay wajahday dowladdii hore, hasayeeshee dadka codkooda dhiibtay ayaa muujiyay in aanay weli ka aamin bixin xisbiga ANC.

Kaalinta saddexaad waxaa ku jira xisbiga Economic Freedom Fighters (EFF) oo haysta boqolkiiba 6.

Guddiga doorashada ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in doorashada ay inta badan deegaanada ku soo dhammaatay si nabad ah, dadka codkooda dhiibtayna ay kor u dhaafayaan boqolkiiba 72 dadkii is-diiwaangeliyay.

Doorashadan waa tii ugu horreysay ee laga qabto dalka kaddib dhimashadii Nelson Mandela oo ah madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee hoggaamiya Koonfur Afrika.

Sidoo kalana waxa ay imaanaysaa waxyar uun kaddib markii uu dalkan u dabaaldegay 20 guuradii ka soo wareegatay markii la soo afjaray xukunkii dadka caddaanka ah ee laga tirada badan yahay.

Shaqo la’aanta heerkeedu uu sarreeyo, adeegyada asaasiga ah oo yar, iyo eedo ah in uu jiro musuq maasuq baahay, ayaa sii kordhisay sida aan loogu qanacsaneyn dowladda.

Haddaba ANC waxa ay u badan tahay in ay guushan u adeegsato in ay isku daydo in ay horay u dhaqaajiso qorshaha horumarinta qaran – iyagoo iska diiday qarameynta ay kooxaha qaar dalbanayaan – waxa uuna xisbigu ku adkeysanayaa in uu sameyn doono maalgelin iyo in la hagaajiyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Natiijada uu helay xisbiga EFF ee ah boqolkiiba 6 wax cabsi ah kuma ay keenayso xisbiga ANC, balse habka uu u shaqeeyo xisbigaasi ayaa caddaadis saari doono dowladda, iyo siyaasadda Koonfur Afrika oo weji cusub gali doonta.

Xisbiga Democratic Alliance (DA) ayaa ka sara maray natiijada boqolkiiba 17 doorashadii 2009-kii haatanna waxa uu gaaray boqolkiiba 22, sida ku cad natiijada hordhaca ah ee ugu dambeysay.

Khamiistii ayaa hogaamiyaha xisbigaasi Helen Zille, ayaa wakaalada wararka ee AFP waxa ay u sheegtay in ay rajaynayso in xisbigeeda uu heli doono boqolkiiba 23.

Dadkii dhashay wixii ka dambeeyay markii uu dhamaaday xukunkii midab kala sooca 1994-tii, ayaa markii ugu horreysay waxaa u suurtagashay in ay codkooda dhiibtaan, inkastoo saddex meelood meel ka mid ah ay isu diiwaan galiyeen in ay codeeyaan.

Guusha ANC waxa ay ka dhigan tahay in madaxweyne Jacob Zuma uu markale dalka maamuli doono muddo shan sano ah.

Mar uu hadlayay Arbacadii markii uu dhiibtay codkiisa, ayuu Mr Zuma sheegay in uu filayo in natiijooyinka ay wanaagsanaan doonaan, balse waxa uu intaa ku daray in ololaha doorashada uu ahaa mid aad u adkaa.

Xisbiga ANC ayaa hoos uga dhacay boqolkiiba 66 waa natiijadii uu ka helay doorashadii ugu dambeysay ee la qabtay 2009-kii.

Xigasho BBCSomali.com.