Siilaanyo oo shaaciyey inuu mar kale u sharraxan yahay Madaxtinnimada Somaliland ee doorashada 2015-ka

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa noqday Musharaxa labaad ee caddeeyay inuu xisbiga KULMIYE dhexdiisa uga tartamayo Musharaxnimada Madaxwaynaha ee shanta sanadood ee soo socota.

KULMIYE-SIILAANYO

Madaxwaynaha Somaliland, oo hadda dalka hoggaaminaya muddo afar sanadood ku dhow, ayaa mar kale u tartamaya hoggaaminta qaranka Somaliland shanta sanadood ee socota, isaga oo Musharaxnimadaasina kaga dhex tartamaya xisbiga KULMIYE, oo sidoo kale uu Guddoomiyihiisu shaaciyey inuu Musharax u yahay Madaxwaynenimada shanta sanadood ee soo socota.

Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo noqonaya Musharaxa labaad ee ilaa hadda ku dhawaaqay inuu xisbiga Kulmiye ka dhex loolayo, ayaa waxa caddeeyay Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, ahna Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo shalay saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa.

Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay in Madaxwayne Siilaanyo ay hoggaamintiisa dadku baahan yihiin, sidaa daraadeedna uu mar kale musharax Madaxwayne kaga dhex tartamayo xisbiga Kulmiye gudihiisa “Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah hoggaamiyaha Qarankan, waa aasaasihii xisbiga KULMIYE, waxaanu xilka qabtay afar sanadood ka hor, xiligii la doortay oo ah shan sano, waxa ka dhiman hal sano iyo…, doorashada soo socotana sida dastuurka dalku qabo wuxuu Madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu xilka qaranka laba jeer isku sharixi karayo, waa wax iska dabiiciya hadduu yahay Madaxwayne sida maanta kalsoonida dadka u haysto, kalsoonida dadka haysta, waxqabadkiisuna muuqdo, dadkaa u baahan inuu tallada sii hayo, sidaa awgeed Madaxweynaha weligiin kamaydaan maqal meel uu u ku yidhi isma sharaxayo, Madaxwaynuhu waa Musharaxa xisbiga Kulmiye ee shanta sano ee soo socda, shantani marka ay dhamaato”

Wasiirka Warfaafintu, wuxuu sheegay oo kale  “Musharixiinta kale oo aynu qaarkood dhawaaqooda maqaley oo Guddoomiyaha xisbigu ka mid yahay, qaarkoodna iman karaanna xaq-bay u leeyihiin, sida sharcigu qabana muwaadin kasta oo xisbiga Kulmiye ahi wuu isa sharixi karayaa, wuxuu isku sharixi karayaa jagooyinka qaranka ee fursadaha sharci u baneynayaan oo dhan oo ay ka mid tahay ta Madaxtinimada dalku”

Cabdilaahi Maxamed Daahir, waxa kale oo uu ka hadlay isla-markaana difaacay khudbad-sanadeedkii Madaxweynuhu u jeediyay labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland oo xildhibaanno Mucaarad ahi dhaliileen “Markii Madaxwaynuhu khudbadda dhameeyay, Sacabkii ay ku qaabileen ee ay ku sagootiyeen xildhibaannada Baarlamaanku wuxuu Markhaati ka ahaa, waxay markhaati ka dhigaysaa inay raali-galisay khudbaddii uu Madaxwaynuhu ka jeediyay labada aqal ee baarlamaanka, markaa mid ama lab Sunne Khaalif ahi way ku jiri karaan Baarlamaanka…”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa toddobaadkii dhamaaday ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay Madaxwaynaha shanta sanadood ee socda, isaga oo xilligaasi tartan ugu baaqay Madaxwaynaha Somaliland oo isaguna shalay ku dhawaaqay hankiisa Musharaxnimo ee shanta sano ee soo socda “Xisbiga markaad guddoomiye ka tahay shirkad ganacsi oo xoolo la kala faa’iidayo maaha, waxaan ugu jiraa inaan ku gaadho kursiga ugu sareeya dalka ee Madaxweynaha, waanan u sharaxanahay, qof kasta oo golaha dhexe ku jiraana xaq ayuu u leeyahay waanan soo dhaweynayaa, haddii uu Madaxweynaha hadda yahay iyo haddii cid kale ay tahayba” ayuu yidhi, Muuse Biixi, waxaanu intaasi ku daray “Madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay inuu teeramkiisa labaad tartamo, waana guul ayaan qabaa in aanu ku wada tartanno Xisbiga dhexdiisa, aasaasihii Xisbiga KULMIYE, inaanu wada tartano odaygii Xisbiga iyo ninkii uu Siyaasadda ku soo koriyay miyaanay guul ahayn.”

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.